Financial Freedom | sidee ku gaadhi kartaa xoriyad dhaqaale!!!

xoriyad dhaqaale

waa hubaal inaad maqashay odhaahda lacag ma iibiso farxad , haa waa odhaah saxan,balse kawaran sidee dareentaa marka aanad wax lacag ah haysan, inteena badan waa ka war qabnaa sida uu noqdo xaalkeenu marka lagaadho dhamaadka bisha,werwerka iyo cidhiidhiga aynu dareeno marka arin kadis ah ina qabsato ,misna aan waynayno lacagtii aan ku furdaamin lahayn!. ( xoriyad dhaqaale )

kawaran dareenka hadaanad mar dambe ka war-wari doonin halkii aad lacagtaa ka keeeni lahayd,kawaran hadii aad haysato lacagtii kuu awood siin lahayd iibsasha waxa aad markaa doonaysid, lacag kugu filan oo si raaxo leh aad nolashaada ugu nolaato, waxay u muuqataa riyo balse waa run oo waad ka dhabayn kartaa xalkuna waa gaadhista xoriyad dhaqaale ama finacial freedom

halkan waxa aan kuugu soo gudbinayaa sidii aad ugaadhi lahayd xoriyad dhaqaale ama financial freedom:

waa maxay financial freedom ama xoriyad dhaqaale?

xoriyad dhaqaale waa inaa tahy maaamulaha dhakhligaaga , waa inaad leedahay dhakhli lagu kalsoonaan karo kaasi oo kuu awood siinaya inaad ku noolaato nolasha aad jeceshahay .

waa adiga oo aany welwel kugu ahayn ama culays bixinta biilasha ama arimaha kedis kugu yimaada.

waxa aad ku xaqiijin kartaa adiga oo raacaya talaabooyinka soo socda:

1 . financial freedom | garo xaaladaada dhaqaale

Garo halka aad ku sugantahay, hadafkaagu waa gaadhista xoriyad dhaqaale, hafkan ma gaadhi kartid adiga oo aan aqoon xaaladaada dhaqaale , dib u eeg haday jiraan deymo lagugu leeyahay, liis yar u samee iskuna soo dardar dhamaan tooda , waxa kale oo aad eegtaa biilka ay waajibka tahay in aaad bixisid bilkasta , iyo meelaha ay ku kala baxayaan iyagana u samee liis .

2 . Baro maareynta dakhligaaga

waxa adag in aad gaadho xoriyad dhaqaale ama financial freedom hadaanad u dajin qorshe dakhligaaga , waxa aad arki doontaa bilwalba adiga oo isa su’aalaya halkay ka baxday lacagtii, qorshe la’aantu waxa ay kuu horseedaysaa burbur iyo cidhiidhi joogta ah inaad ku jirto, waxa dib ugu laabataa liiskii bilaha ahaa ee aad soo samaysatay,

waxa mid-mid u kala dhigtaa shilin walba meesha uu kaaga baxaayo ,ka hor inta aanad ku bixin, marka aad samaysato liiska ,waxa aad la soctaa bilkasta liiska aad samaysatay ,waxa kusoo galay iyo waxaa kaa baxay, balse way adagtahay in aad hanti yeelato hadii dakhligaa kus oo galaa gabi ahaanba uu kaa baxo!,hadii ay jiraan meelo muhiim ahayn oo aad lacag ku bixisaa ka takhalus!, oo bildambe yay lacag kaa gelin

3. Sax khaladaadkii hore

marka aad samaysato habka aad ku maarayn lahyd dhakhilaaaga , talaabada xigtaa waa in aad bixisaa dhamaan daymaha lagugu leeyahay, sababta oo ah in dayn lagugu leeyahy adigu ma lahilid dhakhligaaga ee dadka daynta kugu leh ayaad u shaqaynaysaa.

waxa jira laba hab oo aad ku bixin karto daynta ;

a. inaad u bixisid sida ay ukala yaryihiin

b. inaad u bixisid sida ay ukala badanyihiin

Bixinta deynta ayaa culays weyn kaa dul qaadi doonta , adiga oo ugu dambayn xorka noqondoona telefoona isdaba jooga ee kuu soo dhici jiray

4. Jooji in aad khasaaariso dhakhligaaga

hadaad doonayso in aad gaadho xoriyad dhaqaale ama financial freedom waa in aad joojisaa ku bixinta lacagtaada waxyaabo aan muhiim ahayn, tusaale in aad soo iibsato mobile ka cusub ee apple ay soo saarto sanad walba , wax muhiim ah kuuma ah, ama iibsiga dhar cusub ee soo baxa iyo wixii la mid ahba,muhiim ma ahan, waxa ay dhaawacayaan kaliya dhakhligaaga,ha u dhawaan waxyaabahan oo kale.

In aad aad bixiso lacag yar ayaa kaa caawin karta in aad leedahay hanti aad adeegsato marka aad baahida u qabto , qodobkan ayaana inagu hogaaaminaya qodobka xiga ee shanaad

bilow qaybta Labaad ee xigta

xoriyad dhaqaale

Financial Freedom | sidee ku gaadhi kartaa xoriyad dhaqaale!!! QAYBTII 2AAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *